DHAGEYSO:-Cabdi qaybdiid oo ka horyimid gudi horay madaxweyne farmaajo u magacaabay

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Aqalka Sare ayaa dooday Weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ku tilmaamay falkii lagu weeraray Guriga Qeybdiid fal dambi ah oo laga galay qaranka Soomaaliyeed.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay muhiim tahay in si deg deg ah Sharciga loo horkeeno cidii ka dambeysay Weerarkii lagu qaaday Xildhibaanada Gurigiisa, islamarkaana lasoo bandhigo baaritaanadii la sameeyay.
Sen. Qaybdiid ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada weeray gurigiisa ay ka soo baxeen Dugsiga Gen .Gordan Oo ah Xarun Ciidamada ay Imaraadka ku tababaraan.

Qeybdiid, waxaa uu Baarlamaanka ka codsaday in Sharciga la horgeeyo cidii weerarkiisa ka dambeysay, isaga oo soo jeediyay in Natiijada Baaritaanka la xiriira weerarka guriga lala wadaago baarlamaanka iyo shacabka.
Cabdi Qeybdiid oo goobta ka hadlay waxaa uu yiri “Gurigeyga waxaa lagu tuhmay in uu joogo ninkii hoggaaminayey qaraxii october 14”.