Akhriso:-Maamulka Jubaland Oo Wafdi Heer Wasiira ah Udiraya Xadka Dalalka Soomaaliya & Kenya

0

Maamulka Jubaland ayaa wada qorshe ay ku doonayaan in wafdi ay udiraan xadka udhexeya Dalalka Kenya iyo Soomaaliya gaar ahaan gobolka Gedo oo xiga xadka laba dal.

Wafdiga jubaland ayaa waxaa la filayaa in arbacada galinka danbe ay gaaran magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, xubnaha maamulka uu dirayo ayaa waxaa ka mid ah Wasiiro uu ka mid yahay Wasiirka Wasaarada Amniga, wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha oo ay wehlinayaan Xildhibaano laga Soo Doortay Dhanka Gobolka Gedo.

Maamulk Magaalada Mandheera ayaa la filayaa in ay kulan la qaadandoonan si ay kaga wada hadlaan Dhul balaarsiga ay Dowlada Kenya ku sameyneyso Dhanka Xadka Soomaaliya.

Kenya waxa ay hore usheegtay in ujeedka dhismaha Darbiga uu yahay sidii ay kaga hortagi laheed weerarada ay Al-shabab ku qaadaan Gudaha Dalkeeda.

Sidoo kale Wafdiga ayaa la doonayaa in ay dajiyaan Xaalado kacsanaan ah oo  ka dhex Aloosan Shacabka Beledxaawo iyo Ciidamada Dowlada Kenya.

Dowlada Soomaaliya waxay hore ugu dirtay dhanka Xadka Kenya iyo Soomaaliya ay wadaagan wafdi uu hogaaminayay wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Ee Dowlada Federalka Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (JUXA), kuwaasi oo kulamo Beled-xaawo kula qaatay waxgaradka iyo Siyaasiinta Gobolka Gedo si wax looga qabto Iskudayga ay dowlada Kenya ugu soo Xad gudubtay Dhanka Soomaaliya.