AKHRISO:-Siyaasi faarax macalin oo dowlada soomaaliya kula taliyay in ay xidho safaarada imaaraadka ee muqdisho

0

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka dalka Kenya Faarax Macalin ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed ee ka jirta dalka Soomaaliya waxana uu ugu baaqay dowlada Soomaliya inay xirto safaarada iyo xarumaha lagu tababaro ciidamada ee ay dowlada Imaaraadka Carabta ku leedahay magaalada Muqdisho.

Siyaasiga Faarax Macalin ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay fikirka uu ka qabo siyaasada dalka Soomaaliya waxana uu kula taliyay dowlada Soomaaliyeed in haddii ay hayso cadeymo ku filan inay ka dacweyso Qaramada Midoobay dowlada Imaaraadka Carabta.

Faarax Macalin ayaa sheegay in aysan u wanaagsanayn dowlada Soomaaliyeed inay sii sugto illaa laga burburiyo balse ay haboon tahay in ay tallaabo ka qaado wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Waxaa soo baxaya fikrado kala duwan oo ku aadan sidii ay dowlada Soomaaliya u wajahi lahayd khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira, iyadoo haatan farta lagu fiiqayo dowlada Imaaraadka Carabta inay ka dambeyso qalqalka siyaasadeed ee haatan ka soo ifbaxaya dalka Soomaaliya.

Sikastaba hanoqote waxa is so taraya siyasiyinta dalka kenya o laga dhehanaya ka hadalka xalada siyasaded ee somaliya

By wariye. mohamed somali