AKHRISO:-Mahad Salaad Oo Si Lama Filaan ah Uga Hadlay Go’aankii Xildhibaanada Goloha Shacabka

0

Xildhibaan Mahad Salaad aya qoraal kooban oo soo dhigay bartiisa Facebook kaga hadlay go’aanka maanta ay Xildhibaanada Goloaha Shacabka ay kakaga mamnucyen dalka shirkada Dp-world ee laga leeyahay Dalka Imaaratka.

Hoos Ka Aqriso Qoraalka Mahad Salaad

Golaha Shacabka oo maanta soo saaray XEERKA DHOWRIDDA GOBONIMADA IYO MIDNIMADA GEYIGA SOOMAALIYEED ayaa xeeriyay:

1. In Shirkadda Dubai Port World “DP World” ay si bareer ah ugu xadgudubtay siyaadada, madax-bannaanida, midnimada iyo bedqabka dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyaa, sidaas daraadeedna shirkadaan laga mamnuucay dalka Soomaaliya.

2. Heshiis kasta oo shirkadda Dubai Port World ”DP World” lala galay waxba kama jiraan uu yahay maadaama uu ka hor imaanayo Dastuurka dalka, Xeerka Maalgeshiga Shisheeye Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla