Kenya Oo Qaramada midobay Ka Dalbatay In Ay Laasho Qaraarka La Xiriira Yareynta AMISOM

0

Dowladda Kenya ayaa Hay’adda Qaramada Midoobay ka dalbatay in ay laasho qaraarka lagu meel mariyay in la yareeyo tiradda Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee jooga Soomaaliya,.

Haweeneyda lagu magacaabo Monica Juma oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Kenya ayaa sheegtay in xasiloonida iyo horumarka Soomaaliya uu hormuud u yahay Barwaaqada Kenya iyo midka Gobolka, si taasi ay u sii socotana loo baahan yahay in laga hortago yareynta Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay sheegtay Monica Juma in dalka Kenya fagaarayaasha Caalamka uu codkiisa Soomaaliya ku xoojin doono, waxayna afka ku balaarisay in Kenya aysan marnaba raali ka aheyn in la yareeyo Ciidanka AMISOM, ilaa Soomaaliya ay ka noqoto dal amnigiisa la wareegi kara.

“Aragtida arrintan, inagoo kaashaneeyna wadamada Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka, waxaana Golaha ammaanka Qaramadamidoobay ku celin doonaa in dib loo eego Qaraarka yareynta Ciidamada”. Ayey tiri Juma.

Sikastaba hanoqote Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Kenya ayaa sheegtay in Dowladda Soomaaliya xilligan ay dadaal ku bixineyo sidii ay uga guuleysan laheyd Al-shabaab, waxayna tilmaamtay labada dal in ay iska kaashan doonaan dagaalka Argagixisada.by mohamed somali