VIDEO:-Cali Khaliif “soomaaliland kuma aanaan biirin, Arimo Qarsoonaa, Wadahadalka DF-Soomaaliya iyo Arimo kale

0

Madaxweynaha khaatumo cali khaliif ayaa Khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey Shirkii lagu soo Afmeeray deegaanka Xidh-xidh ee Gobolka Sool, ayaa ugu horayn ka hadlay Heshiisyadii Nabadda ee dhexmaray Beesha Bahararsame, Cumar Maxamuud iyo Cabdi Garaad (Qayaad).Wuxuu ka hadlay Wadahadalkii Khaatumo iyo Somaliland isagoo sheegay inaysan Weli ka mid noqon Somaliland ” Wadahadal ayaa noo dhexeeya, Heshiisyo ayaanu Galnay, Somaliland Kama aanu Mid noqon, Balse waxaanu Heshiis ku Nahay Somaliland la wada leeyahay oo Cadaalad ku dhisan, Waxaanu la geli doonaa Gar-cadaawe waa loo baahan yahay cidii ka qayb galaysa, maaha wax aanu Leenahay, Qofkii diidan waxaanu leenahay Xal kale keen.” ayuu yidhi.

“Aduunku wuxuu danaynayaa Xidhiidhka iyo Wadahadalka Somaliland ay la yeelanayso Koonfur , Wax ictiraafi doona Somaliland ma jirto hadii aysan Aqbalin Somaliland loo dhan yahay iyo Wadahadalka Koonfur, Waxaana idiin sheegaya Wadada loo mari karo in la helo Qarankii Soomaaliyeed waa Somaliland, oo Wacyigii Somaliland wax wayn ayaa iska badalay.”