Brundi oo shaacisay in Ciidamo looga dilay weerarkii Ka Dhacay Balcad

0

Dowlada Burundi ayaa shaacisay in 5 ka mid ah askarteeda lagu dilay weerarkii galinkii hore ee shalay shabaab Ku qaadeen dagmada balcad ee gobolka shabeelaha dhexe.

Warkan waxaa Idaacada VOA  u xaqiijiyey madaxweyne Ku xigeenka dalka Burundi G.Sindimwo oo qiray in al shabaab ay dileen 5 ka mid ah ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee Amisom.

Madaxweynen ku xigeenka ayaa intaasi Ku daray in weerarkan uu ahaa mid gaadmo ah isla markaana ay ciidamadoodu intii karaankooda ah ay iska caabiyeen xoogaga shabaab.

Sindimwa ayaa sidoo kale xaqiijiyey in ciidamadooda laga furtay mid ka mid ah gawaarida dagaalka ee ay isticmaalaan ciidamada nabad ilaalinta soomaaliya u jooga ee amisom

Galinkii hore ee shalay ayey shabaabku weerar ay Ku qabsadeen Ku qaadeen dagmada balcad oo caasimada muqdisho u jirta 36 km,hasese yeeshee kooxda ayaa dagmada isaga baxday galinkii danbe ee shalay sababo aan LA ogayn.