FAAH FAAHIN : Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo gaaray degmada Hobyo ee Gobolka Mudug

0

Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya Danjire Olgan Bekar ayaa maanta gaaray degmada Hobyo ee gobolka Mudug, waxaana safiirka ku soo dhoweeyay degmada Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo xubno tirsan Galmudug.

Madaxwayne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay doorka ay Turkiga ka qaadan karaan hormarinta magaalooyinka Galmudug, gaar ahaan degmada Hobyo oo ah meel taariikhi iyo istiraatiiji ah.

Olgan Bekar Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in Turkiga ay intii karaankooda ah ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada horumarka Hobyo.

Safiirka ayaa booqday goobo muhiim u ah nolosha bulshada sida Dekadda oo dhismaheeda uu dhawaan bilaaban doono, xarunta ciidanka Badda, Isbitaalka Hobyo, iyo iskuulka Hoose dhexe iyo Sare.