Aqalka Cad oo hoos u dhigay kalsoonida lagu qabo Jared Kushner

0

Wiilka uu sodoga u yahay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, islamarkaasna ka mid ah la taliyeyiisha sarsare, Jared Kushner ayaa hoos loo dhigay darajadiisa ogolaanshaha amniga ee Aqalka Cad, taas oo ah illaa heerka uu qofka galaangal u leeyahay siraha iyo xeendaabyada fadhiga looga taliyo dalka Maraykanka.

Mr Kushner oo helayay xogaha sirta ah ee Aqalka Cad ayaa la sheegay in wali lagu hayo baaritaan la xiriira taariikhdiisii hore , sidaas darteed ogolaanshaha uu heysto waa mid kumeelgaar ah.

Bogga Politico oo soo xiganaya qareenka Kushner ayaa soo qoray in arrintan aysan saamayn doonin shaqada uu ka hayo Aqalka Cad.

Afhayeen u hadlay Kushner oo war qoraal ah soo gaarsiiyay BBC-da ayaa sheegay in dad kale oo la heer ah Kushner sidoo kale dib loo dhagay ansixintooda amniga.

Arrintan ayaa waxa ay imaanaysaa xili Aqalka Cad uu soo rogayo xanibaado dheeraad ah oo lagu dhawrayo sirta.

Jeneral John Kelly oo ah agaasimaha Aqalka Cad ayaa bishan horaanteedii sheegay in uu dhimi doono tirada dadka heysta ansixinta amniga, ee arka siraha xasaasiga ah.

Mar sii horeysay ayaa la shaaciyay in afhayeenka Kushner Josh Raffel uu ka tagayo Aqalka Cad.

Warbixin uu soo qoray wargeyska Washington Post ayaa lagu sheegay in Aqalka Cad uu walwal ka qabo xiriirka uu Kushner la leeyahay dowlado shisheeye.

Wargeyska oo soo xiganaya saraakiil hadda shaqeeya iyo kuwa hore , ayaa sheegay in dowladaha Imaaraatka Carabta, Shiinaha, Israa’iil, iyo Mexico ay ka hadleen sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen Kushner iyo hawlihiisa ganacsi.

Kushner ayaa isaga oo aanan lahayn qibrad siyaasadeed waxaa loo magacaabay la taliye sare, waxaana loo xil saaray arrimaha wadahadalka bariga dhexe.

Balse waxa uu caqabado kala kulmay arrimaha ku saabsan taariikh nololeedkiisa iyo xogta uu ka bixiyay.

Waxa uu ku qasbanaaday in uu dib u buuxiyo galka lagu qoro xogaha taariikhda nolosha qofka, taas oo ay qasab tahay in uu buuxiyo qof kasta oo shaqo ka galaya Aqalka Cad.

Balse ninka madaxda ka ah laanta qaran ee dabogalka taariikh nololeedka dadka ayaa guddi Aqalka Cad ah u sheegay in uusan waligiis arag wax la mid ah arrinta Kushner, isaga oo sheegay in galkiisa ay ku jireen qaladaad aad u tiro badan.

Sida uu ku waramayo wariyaha BBC-da Anthony Zurcher, Kushner oo ahaa ninka ugu badan ee xogaha weeydiista laamaha ammaanka ee aanan haddane xubinta ka ahayn golaha ammaanka qaranka, ayaa hadda baalasha laga rifay.

Arrintan ayaa waxa ay ka dhigantahay waji gabax ku yimid Kushner, isaga oo aanan ka qeybgali doonin kulanka xog waranka ah ee maalin kasta ay hay’adaha sirdoonka siiyaan Trump, taasi oo micnaheedu yahay in uusan haynin xogta rasmiga ah ee ay u baahanyihiin dowladaha la sheegay in uu wada shaqaynta la leeyahay.