Dhageyso”Qof Rayid ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

0

Kooxo bistoolado ku hubeysan ayaa habeenimadii xalay ahayd magaalada muqdisho gaar ahaan xaafada loo yaqaano sarakuusta ku dilay qof rayid ah oo ku ganacsanayey xaafadaasi

Dableydan oo tiradooda lagu sheegay in ahaayeen ilaa 2 ruux ayaa ninkan ku dhex dilay mehradiisa ganacsi,isagoo wata meel marinta howlihiisa ganacsi

Kooxihii dilka gaystay ayaa goobta isaga cararay,waxana daqiiqado kooban kadib halkaasi gaaray ciidamo kala duwan oo ka tirsan kuwa amniga muqdisho,kuwaasoo deegaanka sarakuusta iyo nawaaxigeeda ka bilaabay howlgalo ay ku baadi goobayaan ragii falkaasi ka danbeeyey.

Dhageyso codka mid ka mid ah ehelada Marxuumka la dilay