DHAGEYSO:-Wafdi ka socda dawlada Soomaaliya oo Gaadhay Magaalada Kismaayo

0

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Hawlaha guud iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya Mudane Saadaq C/laahi Cabdi ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah Jubbaland.

Soo dhawaynta Masuuliyiintan waxaa ka qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Labaad ee Jubbaland Mudane C/qaadir Xaaji Maxamuud Lugga dheere iyo Xildhibaano ka tirsan Jubaland iyo Dawlada Dhexe ee Soomaaliya.

Socdaalka wasiirka hawlaha guud ayaa waxaa ku weheliyey safiirka dawlada Turkiga ee dawladaha hoose iyo masuuliyiin kale oo ka socda dawlada Turkiga.

Kulan gooni ahaa oo ka dhacay gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ayaa laysku raacay in la mataaneeyo Caasumada Jubbaland Kismaayo iyo magaalo ka tirsan Turkiga.