Dhageyso “Saraakiisha Ciidamada Jubaland oo ka warbixiyey howlgalo ay ka sameyeen deeganada Jubaland

0

Saraakiisha ciidamada maamulka Jubbaland ayaa faah faahino dheeri ah ka bixiyey howlgalo ay maalmihii tagay ka sameeyeen qaar ka mid ah deegaanada uu ka arimiyo maamulkaasi Jubaland.

Saraakiisha ayaa xaqiijiyey in guulo laga soo hoyay howlgaladii laga sameeyey inta u dhaxeysa hoosingow iyo dagmada afmadaw sida uu tilmaamayo Cali Maxamuud Xasan oo qeyb ka ahaa saraakiishii howlgalkaasi horkaceysay.

Taliye Cali ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkaasi ay ku dileen 4 dagaalyahan oo ka tirsanaa al shabaab,waxana uu hoosta ka xariiqay in sii wadi doonaan howlgalada ay ka fulinyaan deegaanada maamulka jubaland.