Dhageyso”Ciidamo Ka Wada Tirsan Dowlada Oo Muqdisho Ku Dagaalamay

0

Ciidamo kawada tirsan kuwa dowlada ayaa maanta ku dagaalamay inta u dhaxeysa Haanta Dheer iyo xerada 77 oo ka tirsan dagmada dayniile ee gobolka banaadir.

dadka deegaanka ayaa inoo sheegaya in ciidamadii halkaasi yimid ay ahaayeen ciidamada booliska soomaaliya isla markaana doonayey in ay bur buriyaan guryo dad rayid ah ay ku leeyihiin agagaarka haanta dheer hase ahaatee waxa ka hor joogsaday ciidamo kale oo milatari ah kuwaasi oo fariisin ku leh isla goobtaasi.

qof goobjooge ah oo la hadlay mid ka mid ah idaacadaha muqdisho ayaa xaqiijiyey in wax khasaare ah aysan gaysanin dirirtii u dhaxeysay ciidamada kawada tirsan dowlada.