Ciidamada Dowlada Oo Toogtay Nin ka dhaga adeegay inuu joojiyo gaarigii uu watay

0

sida ay inoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah ciidamada dowlada ayaa xaafada seybiyaano ee dagmada hodan ku toogtay nin watay gaari ka mid ah kuwa raaxada kaasoo ka dhaga adeegay amar ay ciidamadu siiyeen.

Ciidamadan oo fariisin ku leh inta u dhaxeysa dabaqa seybiyaano iyo isbitalka weyn ee banaadir ayaa ninkan ku amray inuu joojiyo gaariga uu watay oo noociisu uu ahaa Zaruf si loo baaro hase ahaatee wuu ka dhaga adeegay,waxana dadka deegaanku ay xaqiijiyeen inuu la soo baxay ID kaasoo ay ciidamadu ka diideen,waxana markii danbe uu damcay inuu ciidamada ku baacsado qori Ak47 ahaa oo gaariga u saarnaa.

Ciidamada ayaa ugu danbeyntii toogtay ninkaasi,waxana goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amniga ee dowlada oo goobta ka qaaday maydka shaqsigaasi.

ilaa hada ma jirto cid eheladiisa ama dowlada ka tirsan oo ka hadashay geerida ninkaas hase ahaatee wararka qaar ayaa tilmaamaya inuu la shaqeynayey gudoomiyaha dagmada afgooye.