Dhageyso”Xog-hayaha Guud Dawladaha Hoose ee dalka Turkiga Oo Ka tacsiyey qaraxyadii shalay muqdisho ka dhacay

0

Hayrettin Gungor oo ah Xog-hayaha Guud Dawladaha Hoose ee dalka Turkiga ayaa tacsi u diray soomaalidii shalay ku geeriyootay qaraxyadii ka dhacay gudaha caasimada muqdisho ee dadka fara badan ku geeriyoodeen,waxana uu caafimaad iyo bogsasho deg deg ah u rajeeyey dadkii ku dhaawacmay.

Xog-hayaha ayaa sidoo kale hadal uu siiyey qeybaha warbaahinta kaga warbixiyey qodobadii ay isla soo qaadeen isaga iyo gudoomiyaha gobolka banaadir kulanki caasimada muqdisho ay ku yeesheen.