Dhageyso”Duqa Muqdisho oo ka warbixiyey waxyaabihii ay ka wada hadleen isaga iyo Xog-hayaha Guud ee Dawladaha Hoose ee dalka Turkiga

0

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa warfidiyeenada uga warbixiyey waxyaabihii ay ku gorfeeyeen kulankii uu maanta la qaatay Xog-hayaha Guud ee Dawladaha Hoose ee dalka Turkiga Hayrettin Gungor.

Gudoomiye Yariisow ayaa ka dalbaday dowlada turkiga in sii wado garab siinta dhigeeda soomaaliya isla markaana ay mashaariic hor leh ka hirgaliso Gobolka banaadir.