Akhriso:-Gudiga doorashooyinka oo hakiyay doorashada Kursi ka banaan Golaha Shacabka oo lagu murmay

0

Guddiga doorashooyinka Madaxa Banaan ayaa dib u dhigay doorashada Kursi ka banaan Golaha Shacabka kaas oo Maanta doorashadiisa ay ka dhici laheyd Muqdisho balse uu ka dhashay muran ka dhaxeeyay Ergada doorashada

Kursigaan ka banaan Golaha Shacabka ayaa waxaa ku tartami lahaa laba musharax oo kala ahaa C/raxmaan Axmed iyo Musharax Fataax Saciid Xasan balse waxaa la sheegay in lagu kala tegay.

Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka Madaxa banana Xaliimo Ismaaciil( Xaliimo yareey) ayaa shegtay in doorashadaas dib loo dhigay isla markaana waqtiga kale ee la qabanayo ay dib ka soo sheegi doonaan.

Kursigaan ayaa waxa uu ka mid ahaa laba ka mid ah Kuraasta banaan ee Golaha Shacabka,waxana sidoo kale jira in uu weli banaan yahay kursigii uu ka geeriyooday Allaha u Naxariistee Marxuum Bootaan Ciise Caalin oo kas oo jeeda deeganada Galmudug.