DHAGEYSO:-Gudoomiye Yariisow” Canshuuro laga qaado Shacabka kuma dhacdo Qasnadda dowladda”

0

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan Canshuuro laga qaado Shacabka Soomaaliyeed , kuwaasoo aan ku dhicin Qasnadda dowladda.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in Shaqsiyaad gaar ah ay adeegsadaan Hantidda loogu tala galay Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay ka qaadi doonaan tilaabo Sharciga waafaqsan , islamarkaana ay ku daba jiraan  Shaqsiyaadka falalkaasi ku kaca.