DHAGEYSO:-Gadiidka Bajaajta oo lagu eedeeyay Amni Daradda Garowe

0

Magaalada Garowe ee caasimada dawlada Puntland ayaa xabsiga lagu guray Gadiidka Bajaajta kuwaasoo lagu soo eedayey Falal Amniga darro.

Xogaha dawlada Hoose ee degmada Garowe oo ka hadlayey Bajaajta la xir xiray ayaa sheegay inay keeneen fowdo dhanka Shaqada ah iyo iyagoo Taarikadii dawladu u samaysay ay furayaan xiliga Habeenkii sida uu sheegay Xogahaya dawlada Hoose.

Maxamuud Cali Guray Xogahaya dawlada Hoose ee degmada Garowe ayaa sidoo kale wuxuu sheegay bajaajta qaar kamid ah inay soo xareeyeen dadkii ka shaqaysan jiray halka qaar kalana ay dawladu soo xir xirtay kuwasoo uu sheegay inay fowdo ka daynwaayeen gadiidkii kale ee la shaqaysanayeen.

Hoos ka dhageyso gaagiidleyda bajaajta oo dhankooda ka cabanaya dowladda hoose ee garoowe