AKHRISO:- Itoobiya oo siideyneysa Maxaabiis badan oo Ka Tirsan Ururka ONLF

0

Mas’uuliyiinta Maamulka Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xaqiijiyay in ay qorsheynayaan in ay  Xabsiga ka siidaayaan ku dhawaad  1,600 Qof oo ka tirsan Jabhadda Mucaaridka ah ee ONLF ee ka dagaallanka dhulka Soomaalida Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan xabsiga ka siidaysay boqolaal ka mid ah Kooxaha Mucaaradka ah ee Oromadda.

Siideynta Maxaabiistaan ayaa lagu soo beegmay xilli wadahadal qaatay maalmo badan ay yeesheen ONLF iyo sidoo kale dowladda Itoobiya.

Dad aad u farabadan ayaa la filayaa in ay saaka tagaan Xabsiga lagu magacaabo Jeel Ogaadeeniya ee Magaalada Jig jiga halkaas oo ay inta badan ku xir xiranyihiin maxaabiista ONLF ee saaka la siideynayo.