Ciidanka Amaanka Puntland Oo Buuralayda Calmadoow ku dilay Xubno Al-shabaab Ka Tirsan

0

Ciidanka  PSFta ee Puntland  ayaa Howlgalo ay ka sameeyeen  degaano ay kamid yihiin  Dha-dhaabo iyo Ceeldibir ee Buuraha Cal Madow ee Puntland ayaa waxa ay ku dileen sadax xubnood oo kamid ah Ururka Al-shabab.

Saraakiisha Ciidamada Amniga ee Ciidamada  PSFta ayaa  war qoraal ah oo so dhigeen bartooda internedka  waxa ay  ku sheegeen  in dilka sadaxda xubnood  sidoo kalana ay dhaawaceen tiro Al-shabaab ah oo baxsaday iyagoo dhaawac ah .

Ciidamada ayaa  sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen laba Maxbuus oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, kuwaas oo loo gudbiyey xabsiga  magaalada Boosaaso.

Ciidamada PSFta waxa ayaa ugu dambeen sheegay in ay sii wadi doonaan Howlgalada ay ku baacsanayaan Al-shabaab.