Dhageyso”Barakacayaal Cusub oo Soo Gaaray Duleedka Muqdisho

0

Dad barakacayaal oo hor leh ayaa soo gaaray duleedka magaalada muqdisho waxana dadkani ay ka carareen abaaro cusub oo xiligan galaaftay dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaanada maamulka koonfur galbeed.

dadkan soomaalieyed ee soo barakacay oo u waramay warbaahinta muqdisho ayaa ka cabanaya baadka iyo biyihii oo yaraaday,waxana wajiyadoda laga dareemayey daal iyo diif ay ka dhaxleen safarkii dheeraa ee ay soo galeen.