DHAGEYSO:-Gaadhi xamuul ah oo shil ku galay duleedka garoowe & khasaaraha ka dhay

0

Ugu yaraan hal ruux ayaa dhaawac culus ka soo gaaray shil gaari oo xalay saqdii dhexe ka dhacay duleedka bari ee magaalada Garoowe,sida uu xaqiijiyay taliyaha ciidanka Ilaalada Waddooyinka gobolka Nugaal.

Shilka ayaa ka dhacay inta u dhexaysa tuulooyinka Laanta-hawada iyo 22 aad oo bari ka xiga madaalada Garoowe,waxaana halkaasi ku gadoomay ama ku dhacay gaari xamuul nooca loo yaqaan Caga-badanta,kaasoo ka yimid dhinaca Boosaaso kuna sii jeeday Koonfurta Soomaaliya.