DHAGEYSO:-Hay,ada Maaraynta Masiibooyinka Dabiicigga Puntland oo ka Digtay Nolosha Dadka kunool 210 Deegaan

0

Agaasimaha Hay,ada Maarinta Masiibooyinka Puntland Cabdulaahi Cabdiraxmaan Axmed Cayrow ayaa ka warbixiyey heerka abaareed ee ka jirta Puntland.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in kormeer ay kusoo sameeyeen ilaa 210 deegaanka oo ka tirsan Puntland ay kusoo ogaadeen inay ka jirto xaalad abaareed oo kulul.

Gobalada,Bari,karkaar sanaag hay,laan Nugaal Qaybo kamid ah iyo deegaanada ku teedsan xeebaha ayuu sheegay in ay yihiin meelaha ugu daran waxaana uu intaa raaciyey in dadku ay u baahan yihiin cunto iyo Biyo.