Shariif Xasan Sheekh Aaden Oo Magaalada Muqdisho Soo Gaaray

0

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo maalmihii ugu danbeeyey safaro dibadda ah ku mareyey dalalka afrika ayaa galinkii danbe ee shalay soo gaaray Magaalada Caasimada Ee Muqdisho.

Madaxweynaha waxaa si diiran garoonka diyaaradaha ee Aaden Cadde ugu soo dhaweeyey xubno ka tirsan dowlada fedraalka ee soomaaliya iyo labada aqal ee barlamanka soomaaliya.

Shariif Xasan sheekh aaden ayaa imaanshiyihiisa xamar ka hor ka soo ambabaxay dalka jabuuti halkaasi oo uu kulamo kula qaatay madaxda dowlada jabuuti iyo sidoo kale shirkado caalami ah oo mashaariic ka hirgalinaya dhawaan deegaanada maamulka uu ka arimiyo ee koonfur galbeed.

W/Q Ayaanle Hassan Abdirahman