SAWIRRO : Ciidanka K/Galbeed oo isu diyaarinaya dagaal ka dhan ah Al-shabaab

0

Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ay u diyaar garoobeen dagaal ka dhan ah xarakada Al-shabaab oo ay ka fulinayaan Gobolka Bakool.

Ciidamo farabadan ayaa lagu tababaray degaannada Maamulka Koofur Galbeed iyaga oo loo diyaariyay in Al-shabaab ay ka saaraan degaannada ay kaga suganyihiin gobolka Bakool.

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ayaa horay u sheegay in Al-shaaab ay go’doomiyeen degaannadaas islamarkaana aysan mas’uuliyiinta maamulkaasi mari karin dhulka,taas oo uu sheegay in uu laabahnyahay in la soo gaba gabeeyo.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii la soo dhaafay howlgalka ka dhan ah AL-shabab ka fuliyay Gobolka Shabeellaha hoose iyaga oo dhowr deegaan oo ay qabsadeen dib uga baxay.

Dhinaca kale Koofur Galbeed waxaa ku sugan Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo Ciidamo uu wato ay ku suganyihiin isla Gobolka Bakool halkaas oo uu isna ka wado dhaq dhaqaaq ka dhan ah Al-shaabab.

Sawirro

http://www.dhacdo.org/wp-content/uploads/2018/02/