Maxay ahaayen dadkii ay Al-Shabaab ku xirxireen gobolka Shabeellaha Hoose ?

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Al-shabaab xirxireen dad ay ku eedeeyeen in ay soo dhaweeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.

Goobjoogayaal magacooda qariyay oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in 20 ruux ay xireen Al-shabaab, kuwaa oo ay ku eedeeyeen in ay soo dhaweeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xariga dadkan ayaa yimid kaddib markii Al-shabaab ay dib u qabsadeen deganaadan in ay bilaabeen baadigoobka dadkii soo dhaweeyay ciidamada, waxaana dadka qaar saakay ay ka soo saareen Al-shabaab guryahooda oo ay xabsiga dhigeen.