Jubbaland oo WFP iyo UNDP kala hadashay Mushaaraadka Golaha Deegaanka.

Kulan Saddex Geesood ahaa oo ka dhacay Magaalada Kismaano una dhaxeeyey Wasiirada Jubbaland, Madax ka kala socotay Hya’adaha Qaramada Midoobe gaar ahaan, Hay’adda Cuntada u qaabilsan Qaramada Midoobe ee WFP iyo Hay’adda Hormarinta iyo Mashaariicda qaabilsan ee UNDP ayey kaga wada hadlayeen hormarinta Jubbaland.

Si gaar ah kulanka ayaa diiradda lagu saarayey sidii Jubbaland ay mushaaraad ugu raadin lahayeen Golaha Deegaanka ee dhismihiisa laga qaban-qaabinayo Jubbaland.

Wasiiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Faarax Darwiish ayaa kulanka kadib sheegay in Xubnihii ka socday UNDP iyo WFP ay isku afgarteen sidii ay garab u siin lahaayeen Golaha Deegaanka Jubbaland iyo guud ahaan Maamulka.

Darwiish ayaa intaa ku daray in Hay’adda Cunada u qaabilsan Qaramada Midoobe ee WFP ay kala hadleen sidee ay Deeganada Jubbaland u geysn lahaayeen gargaar bani aadamnimo, si ay loogu simo gacanta dadka u baahan.

Hay’adda WFP waxa uu Wasiir Darwiish ugu digay in ay isku dayaan in Raashan aanan tayo wanaagsaneen geeyaan Jubbaland, si arrintaasina aanan u dhicin ay kala shaqeyn doonaan hubinta gargaarka ay bixinayaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

Ciidanka Asluubta oo u diyaar garoobaya xuska xiligii la aas aasay
- Feb 18, 2018
Qeybaha kala duwan ee Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa xiligan diyaar garow balaaran ugu jira ...
Wasaarada Waxbarashada Oo Ardayda Dhameysatay Waxbarashada Heerka Koowaad u Tababareysa Macalinimo
- Feb 18, 2018
Wasaarada Waxbarashada xukuumada fedraalka soomaaliya ayaa ka dhawaajisay in ardayda dhameysatay waxbarashada heerka koowaad ...
Shariif Xasan Sheekh Aaden Oo Magaalada Muqdisho Soo Gaaray
- Feb 18, 2018
Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo maalmihii ugu danbeeyey safaro dibadda ...
Wasaaradda Gaadiidka oo dar dargelineyso hirgelinta sharuucda gaadiidka
- Feb 18, 2018
Kulankan oo lagu soo bandhigayay shirciga lagu dhaqayo Gaadiidka noocyadiisa kala duwan  oo ay ...
Duqa Muqdisho oo Wareejiyey dhul xarun tababar oo casri ah Dawladda Turkigu uga dhisi doonto Ciidanka X.D.S (sawiro)
- Feb 17, 2018
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa wareejiyey ...