Fariisimo ay Ciidamada Dowlada ku leeyihiin Muqdisho oo la weeraray

0

Waxaa weerar xoogan lagu qaaday caawa fiidkii fariisimo ay ciidamada dowlada soomaaliya Ku leeyihiin dagmada hiliwaa ee gobolka banaadir.

Ciidamadan dowlada ka tirsan ayaa fariisimo Ku leh agagaarka warshadii hore ee barfuunka ee isgoyska Soos,waxana weerarkii lagu qaaday uu socday muddo saacado ah.

Labada dhinac ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka,waxana weli si rasmi ah loo ogayn khasaaraha soo kala gaaray maadaama waqtiga uu ahaa xili habeen ah.

Inkastoo masuuliyada weerarkaas aysan Sheegan ururka al shabaab oo dagaal adag kula jira dowlada soomaaliya hadana weerarada ceynkan oo kala waa kuwa iyaga looga bartay.