Faah Faahino Dheeraad ah Oo Laga Helyo Masuul Dowlada Ka Tirsan Oo Muqdisho Lagu Dhaawacay

0

Waxaa Magaalada Muqdisho lagu dhaawacay Cabdulaahi C/kariin Maxamed Xiireey oo ah Agaasimaha Waaxda Xiriirka Gobolada ee Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Xukuumada Fedraalka Soomaaliya.

Masuuliyiin ka tirsan wasaarada dhalinyarada oo aan la xiriirnay ayaa Allgalgaduud.net u sheegay in falkan uu dhacay habeenimadii xalay ahayd isla markaana agaasimaha uu dhaawacay askari ka tirsan ciidamada dowlada Fedraalka Soomaaliya.

Masuuliyiinta ayaa sidoo kale xaqiijiyey in askariga iyo agaasimaha ay isku maandhaafeen gaari uu agaasimaha ku baakintay Beerta nabada oo uu doonayey inuu gudaheeda ku soo dalxiiso isaga iyo dhalinyaro la socotay.

Askariga ayaa ku doodayey in halka lagu baakimay gaariga ay mamnuuc ka tahay in gawaarida la dhigto,waxana muran badan kadib askarigii uu 3 xabadood caloosha kaga dhuftay Agaasimaha Waaxda Xiriirka Gobolada ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumada Fedraalka Soomaaliya.

Dhaaawaca Agaasimaha ayaa iminka lagu dabiibayaa Isbitalka weyn ee Digfeer,waxana ilaa iminka aan la xaqiijin in gacanta lagu soo dhigay askarigii falkaasi gaystay.