Diyaar garowga doorashada Kursiga uu ka geeriyooday Siraaji oo ka socta Kismaayo

0

Maalinta Berito ah ayaa lagu waddaa in Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland lagu qabto doorashada Kursiga Xildhibaanimo ee uu ka dhintay Cabaas Cabdullaahi Sheekh Siraaji.

Doorashaddan ayaa waxaa ku tartami doona xubno dhowr ah oo ka mid ah Beesha Iska leh Kursiga , waxaana Magaalada Kismaayo diyaar ku ah dhammaan Ergooyinkii lagu tala galay in ay wax doortaan.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Madaxa Banaan Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in Maanta ay bilaabi doonaan in ay hubiyaan Ergooyinka, islamarkaana ay xaliyaan wixi tabasho ah ee jira.

Sidoo kale Waxa ay sheegtay in si weyn loo adkeyn doono Ammaanka goobta ay doorashado ka dhaceyso.

Guddiga doorashooyinka ayaa wadda dadaallo lagu soo buuxinaayo kuraastii ka banaanaatay Golaha Shacabka.

Bishii lasoo dhaafaya ayey aheyd Markii ay ku qabteen Magaalada Jowhar kursi ka mid ah Kuraasta Golaha Shacabka.

Guddiga doorashooyinka ayaa sidoo kale isku diyaarinaya qabashadda doorashadda labo kursi oo horay looga soo doortay degaanada Galmudug iyo Punland.