DHAGEYSO:-Gudiga Gurmadka oo lacago ku wareejiyay Ehelada dadkii ku geeriyooday qarixii Zoobe

0

Afar bilood ayaa  laga jooga qaraxii Soobe ee lagu dilay dadka kor u dhaafaya Shanta boqol oo qof ayaa gudigii gurmadka ee loo sameeyay inay caawiyaan dadka waxyeeladu soo gaartay waxay maanta lacago ku wareejiyeen 81 qof oo u badan waalidiintii dadkooda ku waayay qaraxaasi.

Gudiga ayaa sheegay inay todobaadka dambe soo gabagabayn doonaan hawllihii gurmadka ahaa ee ay mudadaasi soo hayeen iyagoo intaa ku daray in lacag kabadan afar milyan oo doolar ay soo gaartay, inteedii badnaydna ay bixiyeen.