(Dhagayso:- Dowladda federalka iyo dowlad xubnaha ka ah oo Heshiis ka gaaray qaybsiga qayraadka dalka

0

Wasiirka wasaaradda Dastuurka ee Dowladda federalka C/raxmaan Xoosh Jibriil iyo Wafdi uu hogaaminayo  oo ku sugan magaalada Garowe ee Caasimada Puntland ayaa sheegay in laga wada hadlay qaybsiga Canshuuraha iyo daqliga , Xalkagaarista is qabqabsiga kataagan Dekedaha Dalka iyo Awoodaha ay kala leeyihiin DFS iyo Maamul Goboleedyada dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in shirkii Amniga uu ka soo baxay heshiis Gaaban oo kumeel gaar ah oo kaluumaysiga ah, kaas oo si kumeel Gaar ah loogu sii wada shaqayn doono inta laga gaarayo Heshiis Dhab ah .

Waxa uu sheegay Wasiir Xoosh Jibriil in ay muhiin tahay in lahelo hay’ad lagu wada midaysanyahay iyo in maqaamka Muqdisho laga wada yeesho Aragti midaysan iyo in xal uraadinta arina ku saabsan  goosashada  maamulka Soomaaliland iyo muranka kataagan Xuduudaha ay wadaagan Puntland iyo Soomaaliland ee Gobolada Sool iyo Sanaag.

Hadaba hoos ka dhagayso  Wasiir Xoosh.