Agaasime ka tirsan Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo Muqdisho lagu dhaawacay

0

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Cayaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in xalay Magaalada Muqdisho lagu dhaawacay mid ka mid ah Agaasime Waxeedyadda Wasaaradda.

Ninka la dhaawacay ayaa waxaa lagu magacaabaa C/llaahi C/kariin Maxamed Xiirey oo ah Agaasimaha Waaxda Xiriirka Gobolada ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga.

Ciidamo ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen Agaasimaha xilli uu marayay Agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya.

Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa barteeda Facebook ku soo qortay in lagu soo wargeliyay dhaawaca Agaasime C/llaahi, ayna u rajeyneyso in Alle bogsiiyo.

Dhowr xabadood ayaa kaga dhacday Xabadka, waxaana la geeyay mid ka mid ah Isbitaallada Muqdisho.