Koonfur Galbeed oo heshiis la gaartay shirkad dhiseysa Dekedaha Marka iyo Braawe

Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya ayaa heshiis la gaaray shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha, taasoo lagu wado inay dhisto, isla-markaana ballaariso Dekedaha Magaalooyinka Marka iyo Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Sida uu qorshuhu yahay Shirkadda SIIH (Silkroad International Industry Holding) oo bahwadaag la ah Shirkadda Damerjog oo laga leeyahay dalka Jabuuti ayaa marka hore dhisi doonto dekedda ku taala Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose ee Magaalada Marka.

Silkroad International Industry Holding ayaa dhismaha Dekedda Magaalada Marka bilaabi doonto sanadkan gudahiisa.

Heshiiskan oo mid saddex geesood ahaa ayaa waxaa Isniintii shalay Magaalada Djibouti ku wada gaaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Gudoomiyaha Maamulka Dekedaha Jabuuti, Abuubakar Cumar Hadi iyo masuuliyiin ka socday Shirkadda SIIH.

Munaasabadda heshiiskan lagu kala saxiixday ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno uu ka mid yahay Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Somaliya, Danjire Aadan Xasan Aadan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

DHAGEYSO:-Madaxweyne gaas oo Puntland oo Warbaahinta Caalamka Kula Hadlay Dubai
- Apr 26, 2018
Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta warbaahinta caalamka kula hadlay wadanka ...
Imaaraadka oo Qirtay in Lagaga Adkaaday Dagaalka Warbaahinta ee Soomaaliya
- Apr 26, 2018
Wargeyska Alitixaad ee ku hadla  afka dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa caddadkiisa maanta oo ...
DHAGEYSO:-Madaxweyne ku xigeenka puntland oo Weerar afka ah ku waaday madaxda maamulada iyo dawladda dhexe muxuu ku eedeeyay
- Apr 26, 2018
Magaalada Garowe  waxaa lagu soo gaba gabeeyay shir hal maalin socday oo looga hadlayay ...
DHAGEYSO:-Shacabka Kunool Magaalada Garoowe oo Afka Furtay Arrimo Muhiim ahna Ka Hadlay.
- Apr 26, 2018
ulshada kunool magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa waxa ay ka hadleen dhismaha ...
DHAGEYSO:-Faarax macalin oo ku tilmaamay Qaa’inul wadaniyiin madaxda maamulgobaleedyada ee taga imaaraadka carabta
- Apr 26, 2018
Siyaasiga Faarax Macalin oo horey u soo noqday Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya oo ...