DHAGEYSO:-Culimadda Puntland oo Taageeray Go,aankii Wasiirka Cadaalada ee Arimaha Xajka.

0

Iyadoo dhawaan wasiirka wasaarada Cadaalada iyo arimaha Diinta dawlada Puntland oo dib ugu soo laabtay Puntland uu ka hadlay Arimaha Xajka iyo qiimaha lagu qaado Xujaydda Soomaaliyeed ee dhanka Xajka.

Culimadda deegaanada Puntland ayaa kulan ay ku qabteen magaalada Garowe waxay ku taageereen Go,aankii wasiirka wasaarada Caadaalada dawlada Puntland ee ahaa in kharashka laga qaado Xujayda Soomaaliyeed hoos loo dhigo oo shirkadaha duulimaadku ka qaadaan marka ay Xajka u socdaan Muslimiinta taasoo madaxdu sheegtay qiimo ka qaalisan Aduunka in lagu qaado kuwa Soomaaliyeed.

Bayaan Culimadda ayaay Baaq ugu direen Dowladda Federalka Soomaaliya, Madaxda Maamul Goboleedyadda, Baarlamanka Soomaaliya, Gollaha Wasiiradda Dowladda Federalka iyo Culimada Soomaaliyeed Arrimaha Xajka iyo  Cabashada xoogan ee ka jirta kharashka laga qaado Xaajiyadda Soomaalida xilliyadda ay u dhoofayaan Cumraysiga.