Masuuliyiinta Wasaaradaha Arimaha Dibadda ee Soomaaliya Iyo Turkiga Oo Kulmay

Kulan gaar ah oo mas’uuliyiinta Wasaaradaha Arrimaha Dibadad ee Soomaaliya iyo Turkiga ay ku yeesheen magaalada Istambul ee Dalkaasi ayaa kaga hadlay xoojin ilaa qaadka dhinaca diblomaasiyadda ee u dhexeeya labada Dal.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Mudane C/qaadir Axmed Khayr Cabdi oo dalka Turkiga kaga qeyb galay shir u dhexeeya Dowladaha Afrika iyo Turkiga ayaa waxaa uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalkaasi.

Mevlüt Çavuşoğlu Wasiirk Arrimaha Dibadda ee Turkiga iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Mudane C/qaadir Axmed Khayr ayaa isla gorfeeyey sidii loo sii adkeyn lahaa iskaashiga iyo wada shaqeynta ka dhexeysa labada Dowladood.
Waxyaabaha ay sid agaarka ah ugu hadleen waxaa ka mid ah Arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, maalgashiga iyo dhamaan in la horumariyo howlaha danwadaagaha ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Kulanka labada mas’uul ayaa daba socday shir ay lahayeen Wasiirada Arrimaha Dibadd ee wadamada Afrika iyo Turkiga,kaasi oo looga hadlayay sidii iskaashi buuxa uu u dhexmari lahaa dhinacyadaasi.

Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa sanadihii ugu dambeeyey waxaa ku soo kordhay dardargelinta xiriirka iyo iskaashiga uu Turkigu la wadaago wadamada Afrika oo uu u arko in ay muhiim u yihiin straatiijiyada ahaan wadankiisa, isagoo sameeya mashaariic horumarineed iyo maalgelin sida Soomaaliya.

Xigasho:Xafiiska Warfaafinta ee Wasaarada Arimaha Dibbada 

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com


Fikradaha Akhristayaasha (0)




ADVERTISMENT

LATEST NEWS

Imaaraadka oo Qirtay in Lagaga Adkaaday Dagaalka Warbaahinta ee Soomaaliya
- Apr 26, 2018
Wargeyska Alitixaad ee ku hadla  afka dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa caddadkiisa maanta oo ...
DHAGEYSO:-Madaxweyne ku xigeenka puntland oo Weerar afka ah ku waaday madaxda maamulada iyo dawladda dhexe muxuu ku eedeeyay
- Apr 26, 2018
Magaalada Garowe  waxaa lagu soo gaba gabeeyay shir hal maalin socday oo looga hadlayay ...
DHAGEYSO:-Shacabka Kunool Magaalada Garoowe oo Afka Furtay Arrimo Muhiim ahna Ka Hadlay.
- Apr 26, 2018
ulshada kunool magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa waxa ay ka hadleen dhismaha ...
DHAGEYSO:-Faarax macalin oo ku tilmaamay Qaa’inul wadaniyiin madaxda maamulgobaleedyada ee taga imaaraadka carabta
- Apr 26, 2018
Siyaasiga Faarax Macalin oo horey u soo noqday Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya oo ...
DHAGEYSO:-Halkee ayay wax u marayaan gudi dhawaan madaxweynaha puntland uu magacaabay
- Apr 26, 2018
Wararkii ugu dambeeyey ee aanu saaka ka helayno magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ...