Faahi Faahin laga helayo Qarax Maanta CIidamada AMISOM Lala Eegtay

0

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa qarax miiino oo maanta duhurnimadii ciidamada amisom lagula eegtay dagmada balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Miinadan oo ah nuuca dhulka lagu aaso ayaa lala bartilmaameedsaday mid ka mid ah kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada amisom,xili uu mareyey tuulo lagu magacaabo Il-baq oo duleedka kaga beegan Dagmada Balcad.

Ilaa hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray ciidamada Amisom,waxase dadka deegaanka ay xaqiijiyeen in markuu qaraxa dhacay kadib ay rideen rasaas aad u xoogan,taasoo ay cidna waxyeelo ka soo gaarin.