XOG : Israa’iil oo qaaday weeraro ay kaga jawaabeyso diyaarad dagaal oo laga soo riday

0

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay inay qaadeen weeraro ballaaran oo ay ku bartilmaameedsanayaan xarumo milateri oo ku yaala gudaha dalka Suuriya oo ay kamid tahay hanaankii difaaaca cirka ee Suuriya iyo walibana bartilmaameed ay Iiran ku leedahay gudaha wadankaasi. Qaraxyo ayaa laga maqlay meel aan sidaasi uga fogeyn caasimadda Dimishiq.

Weeraradan ay qaaday Israa’iil ayaa imanaaya saacado un kadib markii diyaarad dagaal oo ay leedahay Israa’iil ay ku burburtay gudaha wadanka Suuriya, xilli la ganay gantaal nooca lidka diyaaradaha oo ay leedahay Suuriya.

Milateriga Israa’iil ayaa mar sii horeesay sheegay in diyaarada la riday ay fulisay weerar ka dhan ah bartilmaameedyo Iiraan ay ku leedahay Suuriya.

Labadii duuliye ee diyaaradda wadday ayaa la sheegay in iyagoo badqaba ay baarashuut kaga boodeen diyaaradda, kaddib markii diyaarada ay ku burburtay waqooyiga Israa’iil, waxaana markii dambe isbitaal la dhigay duuliyeyaashi sarnaa diyaarada.

Israa’iil ayaa horay u sheegtay in diyaaradeeda dagaalka ee F-16 ay waday weerraro ay kaga jawaabaysay diyaaradaha aanay cidina wadin ee ay Iiraan leedahay oo gudaha u soo galay Israa’iil. Diyaaradahaasi aanay cidina wadinna markii dambe waa la horjoogsaday.

Ciidammada Suuriya ayaa rasaas furay kaddib markii Israa’iil ay ku dhaqaaqday fal daandaansi ah, waxaa sidaas lagu baahiyay warbaahinta qaranka.

Bayaan ka soo baxay milateriga Israa’iil ayaa lagu sheegay in “diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay horjoogsatay diyaarad aanay cidina wadin oo Iiraan leedahay oo laga soo kiciyay Suuriya kuna soo xadgudubtay Israa’iil.”

Waxa uu bayaanku intaasi ku daray in diyaaraddaasi durbadiiba la ogaaday “aadna loola socday ilaa laga hor istaagayba.”

Diyaaradda aanay cidina wadin ayaa waxaa lagu soo riday gudaha Israa’iil, waxaa sidaasi sheegay afhayeenka ciidammada Israa’iil, Janaraal Ronen Manelis.