Deg: deg:- Qaraxyo ka Dhacay Goor dhawayd Magaalada Bosaaso

0

Magaalada Bosaaso Goor dhawayd waxaa ka dhacay oo xaafadaha Magaalada oo dhan laga maqaalayay  Jugta labo qarax oo kala Dambeeyay kuwaas oo loo malaynayo in ay ahaayeen Qaraxyo ban Baano .

lama oga ilaa iyo hada cida lala bartilmaameedsaday Banbaanooyinkan oo Xooga jugtooda laga maqlay Xaaafadaha Magaalada.

Qaraxyadan ayaa waxa ay ka dhaceen Xaafadaha Suwayta iyo Al-Raxma oo ku kala yaala Bariga iyo Waqooyiga Magaalada Bosaaso

Xalay ayay ahayd markii Weeraro ban baano iyo Hubka garabka Laga Rido lagu soo Weeraray Saldhiga Bartamaha ee Magaalada Bosaaso , Waxaana Weerarkan sheegtay Al-shabaab.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Bosaaso ayaa ilaa iyo hada layaaban  isbadalka Amni ee kuyimid Magaalada marqura , Waxayna iswaydiinayaa Waxa  sababay arintan,  iyagoo qaarkooda ku dhaliilaya  Hay,adaha  Amniga ee gobolka Bari in ay ka seexday Howshii ay shacabka u igmadeen.