FAAH FAAHIN : Iskahorimaad ku dhex maray ciidamada Koofurgalbeed gudaha magaalada Baydhabo

0

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in barqanimadii maanta uu iskahorimaad hubeysan ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan maamulka Koofurgalbeed kuwaasoo kala taageersanaa malaaq dhowaan la caleemo saaray.

Iskahorimaadkan ayaa la sheegay in labo askari ay ku dhinteen halka labo kalana ay ku dhaawacmeen waxaana la dhigey askartii ku dhaawacantay iskahorimaadkan isbitaalka magaalada Baydhabo.

Ciidamada dagaalamay ayaa la sheegay inay kala taageersanaayeen hogaamiyo dhaqameedyo isku haystay ciddii bedeli lahayd nabadoon ku dhintey qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ciidamada Booliska ee dowlad goboleedka Koofurgalbeed ayaa kala dhex galay ciidamadii Milatariga ahaa ee dagaalamayay iyagoo kala qaaday ammaankana dib u soo celiyay.

Hase yeeshee intii ay socotay rasaastan ayaa waxaa xirmay ganacsiga iyo isu socodkii gaadiidka gudaha magaalada Baydhabo.

Waxaa jira khilaafyo isa soo taraya oo ah ciddii lagu bedeli lahaa malaaqyo ku naf waayay qarax ka dhacay Hotel Dayax ee magaalada Muqdisho.

Xaalada magaalada Baydhabo ayaa degen haatan iyadoo ciidamada booliska la wareegeen ammaanka goobta ay ciidamada ku dagaalameen.