DHAGEYSO:–Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Ka Warbixiyay Shirar Uu Uga Qeybgalay Dalka Switzerland

0

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa warbaahinta uga warbixiyay waxyaabihii ka soo baxay shirarkii uu kaga soo qeyb galay magaalada Davos ee dalka Switzerland,wuxuuna tilmaamay in markii koowaad lagu marti qaaday in ay ku soo bandhigtay sidii dalka looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay, waxuuna tilmaamay dhowr shir oo kala duwan in uu ku soo bandhigay tallaabooyinka dhiirrigelinta leh ee Soomaaliya qaaday ee dhanka horumarka iyo xaaladda guud ee dalka.

Sidoo kale Ra’isul Wasaaraha ayaa la kulmay hogaamiyayaal iyo ururo caalami ah, kuwaas oo daneenaya arrimaha Soomaaliya, isagoona ka codsaday in Soomaaliya lagu taageero hawlaha ay ugu jirto suggidda ammaanka, dib u soo noolaynta dhaqaalaha, iyo dhismaha haya’adaha dawladda.