AKHRISO:-Xiisad dagaal oo laga dareemayo deegaanka tukaraq

0

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanadii gobolka Sool ay ku dagaallameen Ciidamada Maamulada Somaliland iyo Puntland shalay ayaa waxa ay sheegayaan in wali halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal, waxaana ciidamada labada maamul ay jooggaan meelo aad isugu dhow.

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa wali waxa ay ku sugan yihiin degaanka Tukaraq iyo sidoo kale degaanada hoos yimaada.

Waxa ay sidoo kale xaqiijiyeen dadka degaanka iyo Wariyeyaasha gobolka Sool, in labada dhinac ay wataan Boqolaal ka mid ah Gadiidka dagaalka taasoo dadka Cabsi weyn ku abuurtay.