Faah Faahin Khasaare ka dhashay Dagaal dhexmaray soomaaliland & puntland

0

Dagaal saacado kooban ka socday duleedka magaalada Tukaraq ee gobolka Sool  ayaa lagu soo waramayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhawac soo kala gaadhay  dhinacyadii ku dagaalamay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo saaka weerar ku qaaday saldhig ciidamada Soomaaliland ay ku leeyihin duleedka deegaankaasi ayaa  lagu soo waramayaa inuu  iskiis u istaagay dagaalkii saaka dhexmaray ciidamada Puntland iyo Soomaaliland.

Waxgaradka  deegaanka iyo masuuliyiin ka tirsan maamulada Puntland iyo Soomaliland ayaa wadda waan waan lagu dajinayo dagaalka waxaana lagu soo warmayaa inay xiligan door weyn ku lahayeen joojinta dagaalka