Faah faahinno ka soo baxaya dagaal ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhaxeeyay Ciidamada DFS, kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al Shabaab oo Xalay ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose

Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii dagaalyahannada Al Shabaab ay weerar culus ku qaadeen fariisimo Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyiin deegaanka Buulo Mareer ee gobollkaasi.

Waxaana la sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal foolka fool ah oo la’isku adeegsaday Hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, balse waxaa la sheegay in Ciidamada AMISOM ay weerarka kadib Madaafiic ku gaareen Tuulooyin ku dhow deegaankaasi Buulo Mareer.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi

Balse inta badan Al Shabaab ayaa weeraro ku qaada fariisimaha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin gobolka Shabeelaha Hoose.