DHAGEYSO:-Wasaarada Deegaanka Maamulka Puntland oo Digiin kasoo saaray Xaalufka Deegaanka

0

Isuduwaha wasaarada Degaanka Daaq,Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland ayaa faahin ka bixiyey Xaalufka deegaanka iyo dhibaatada lagu hayo.

Siciid Maxamed Axmed Isuduwaha wasaarada Deegaanka ee gobolka Mudug ayaa sheegay inay xaalufka ugu badan deegaanka ay ku hayaan Xeryaha Barkaacayaash ee kuyaal magaaladan Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug.

Mudane Siciid ayaa sidoo kale wuxuu ka hadlay Ciida Guur guuraysa ee degmada Garacad ee gobolka Mudug iyo waxyaalaha keenaya wuxuuna sheegay inay ciidu wayday meel celisa taas oo sababtay Xaalufka lagu hayo dhirta.