Ciidamada Mareykanka Iyo Kuwa DFS Oo Lagu Eedeeyay In Ay Caruur Ku Dileen Soomaaliya

0

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa la sheegay in todobaadkii hore ay Caruur ku dileen Koonfurta Soomaaliya, kadib weerar ay ku qaadeen Dugsi Caruurta wax lagu baro oo ay Al Shabaab ku leeyihiin gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamada weerarka qaaday oo ahaa Kumaandoos ayaa la sheegay in ay soo furteen 30 Caruur ah oo la sheegay in ay wax ka baranayeen Dugsigaasi.

War Saxaafadeed ka soo baxay howgalka AFRICOM ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanku taageero siinayo Dowladda federaalka ee Soomaliya iyo Sanduuqa Caruurta ee Qaramada Midoobay ee UNICEF, si caruurtaasi dib loogu geeyo Waalidiintii dhalay.

Xilligii howlgalkaasi oo ay ka qeyb qaateen Ciidamo gaar ah oo ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya ayaa waxaa rasaas ay fureen ku geeriyooday 5 ruux halka 6 kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaar ka mid ah dadkii halkaasi lagu dilay ayaa la xaqiijiyay in ay ku jireen Caruur aan weli qaan gaarin, balse howlgalka Mareykanka ee AFRICOM aya sheegay in Ciidamadooda aysan furin wax rasaas ah.

Howlgalkaasi oo ay fuliyeen Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya, xilli dhawaan Al Shabaab Odoyaasha gobolka Baay amar ay ku siiyeen in ay ku soo wareejiyaan Caruur yar yar, si ay wax u baraan.

Ciidamada Mareykanka Iyo Kuwa DFS Oo Lagu Eedeeyay In Ay Caruur Ku Dileen Soomaaliya