Dhageyso:-Wasaaradda Amniga oo digniin u dirtay Odayaal dhaqameedyada

0

Wasaaradda Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin u dirtay Nabadoono la sheegay in ay suuragal tahay in ay ka daba yimaadaan rag burcad ah oo shalay lagu qabtay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Shacabka iyo Ganacstada suuqa Degmada Kaaraan ayaa shalay dhigay banaanbax ay ku dalbanayeen in wax laga qabto dhibaatooyinka ganacsatada suuqa degmadaasi, waxaana laga aqbalay cabashadooda.

Ilaa Todobo xubnood oo lala xiriirinayo in ay ku lug leeyihiin falalka ka baxsanaa amniga iyo arbushaadii ka dhacday suuqa ayaa Ciidanka Amniga shalay ay soo qabteen, waxaana qaarkood loo gudbiyay saldhigyada kala duwan ee laamaha amniga.

C/casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha, ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu soo dhigay maleeshiyadaasi, ayna u xiran yihiin sharciga.

 

 

Halkan hoose ka dhageyso Codka:-

Wasaaradda Amniga oo digniin u dirtay Odayaal dhaqameedyada