Deg:Deg: Madaxweyne Farmaajo Oo Cadaado ku laabtay

0

Madaxweynaha  DFS  iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow waxa ay  dib ugu laabtay magaalada Cadaado, halkaas oo lafilayo in Madaxweynaha uu kulamo kala duwan kula qaato qaybaha kaladuwan ee Bulshada Cadaado.

 

Madaxweynaha ayaa safarkiisa Waxaa kuweheliya Madaxweynaha Mamaulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Madaxa xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Sahaakir Xildhibaano Siyaasiyiin iyo Maamulka Degmada.

 

Qaar kamid aha odayaasha ka soo jeeda Magaalada Cadaado oo ah haatan  Xarunta kumeel gaarka ah ee Galmudug ayaa  horay uga soo horjeestay Heshiiskii labada maamul ay kumudoobeen ,Waxaan lafilayaa in Madaxweynaha uu qanciyo dadka deegaankaasi.

Madaxweynaha ayaa lafilayaa in Cadaado uu maanta uga sii gudbo oo uu dhagax Dhigo Dekeda Maxaliga ah ee Hobyo.