Akhriso:-Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda deegaanka Tukaraq

0

Korneyl Dhuunkaal Maxamuud Xirsi oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada Maamulka Soomaaliland ee ku sugan Tukaraq ayaa si kulul uga hadlay xiisadaha dagaal ee ka taagan deegaankaasi.

Waxaana uu sheegay in Ciidamadooda ay ku wajahan yihiin deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka Sool, kuwaas oo uu tilmaamay in ay ka mid yihiin dhulka Soomaaliland.

Dhinaca kale Afhayeenka Ciidanka Daraawiishta Maamulka Puntland Gaashaanle Sare Maxamuud Maxamed Axmed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada aysan dib uga soo laaban doonin deegaanka Tukara ee g/ Sool.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in Ciidamada Puntland ay isu diyaariyeen, sidii ay gacanta ugu soo celi lahayeen deegaanka Tukaraq oo ay dhawaan la wareegeen Ciidanka S/land.

Xaaladda Tukaraq ayaa ah weli mid kacsan, iyadoona labad dhinac ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Sool.